3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Wasiir Jamaal : Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, isagoo sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Wasiir Jamaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa ku yiri sidatan,” Madaxweyne Deni maaddaama uu yahay Musharax Madaxweyne, waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. kama aamusnaan karno faro galinta qaawan iyo qaddarin la'aanta Puntland,”

Wasiir Jamaal ayaa sheegay madaxweyne Deni inuu dib u dhigay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo, si uu saameyn ugu yeesho oo u xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Wuxuu sheegay in odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta baarlamaanka ay dhammaantood muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marin, cagajugleyn iyo faragelin uu doorashada ku hayo madaxweyne Deni.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ee lagasoo doorto Puntland, wuxuuna sidoo kale doonayaa inuu mar kale kursiga kusoo noqdo.

HOL waxay ogsoon tahay in madaxweyne Deni iyo wasiir Jamaal uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiray. wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada u dhow ee madaxweyne Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/7/2021 6:11 PM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Xulka qaranka England ayaa u soo gudbay ciyaarta ugu dambeyso tartanka Euro 2020 ee sannadkaan, kadib markii ay garoonkooda Wembley oga badiyeen xulka Qaranka ee dalka Denmark.

7/7/2021 3:18 PM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xildhibaanada mucaaradka uga digay in ay laaluush ka qataan xukuumada.

7/7/2021 8:49 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad katirsan Alshabaab oo dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.

7/7/2021 8:23 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Nin lagu magacaabo Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa suuqa magaalada Burco ku toogtay nin la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ahaa.

7/7/2021 8:15 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falage, ayaa beeniyay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ciidamadu gudaha u galeen.

7/7/2021 7:49 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony J. Blinken oo maanta la hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabad joojin deg deg ah, oo ka dhaqan gasha waqooyiga Itoobiya.

7/7/2021 6:58 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Hay'ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa qalab caafimaad oo loogu talo galay dadka dhaawacyadu soo gaadhan ku wareejisay Somaliland.

7/7/2021 5:54 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wafdi balaaran uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

7/7/2021 5:51 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Xulka kubadda cagta Taliyaaniga ayaa si dirqi ah ku reebay dhigiisa wadanka Spain kadib ciyaar adag oo ku dhex martay garoonka Wembley ee ku yaallo magaalada London ee caasimada Ingiriiska.

7/7/2021 5:16 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golaha wakiilada.

7/7/2021 1:37 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

7/7/2021 1:34 AM EST
Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.