4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Kismaayo
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wafdi balaaran uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Ujeedka safarka Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay sidii dib u heshiin loogu sameyn lahaa khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan gobolka Gedo, iyo waliba sidii loo dardargelin lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale wararka hordhaca ah ee lagu kalsoonaan karo sheegayaan in maalinta Jimcaha uu tagi doono magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si uu ugu kuur galo khilaafka jira.

Raysal wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa lagu wadaa inuu dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo ay dowladda Soomaaliya ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]