4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Kismaayo
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa shalay gaaray magaalada Kismaayo wafdi hordhac ah oo ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan diyaar garowga soo dhaweynta Raysal wasaaraha.

Qabanqaabada soo dhaweynta Raysal wasaare Rooble ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Kismaayo, waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Kismaayo.

Ujeedka socdaalka Raysal wasaare Rooble ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay kulamo uu halkaasi kula qaadanndoono madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madoobe iyo waxgaradka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]