4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Maxkamada sare ee Somaliland oo laashay dhamaan dacwadihii musharixiinta
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa laashay 20 dacwadood oo ay usoo gudbiyeen musharixiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada.

Musharixiintan oo ah kuwii aan ku guulaysan doorashadii golaha wakiilada, oo dacwado cabasho ah maxkamada u gudbiyay ayay maxkamadu laashay dhamaan dacwadahoodii.

Maxkamada ayaa ayiday natiijadii guddida doorashooyinka Somaliland kasoo saareen doorashada golaha wakiilada.

Maxkamada sare ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka, ku howlanayd ka garnaqa dacwado ay soo gudbiyeen musharixiin aan ku qancin natiijada hordhaca ah.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]