3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xoghayaha difaaca Kenya oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa ku kulmay magaalada Nairobi, halkaas oo ay uga wada hadleen xaaladda amni ee geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Monica Juma ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitterka waxay ku sheegtay in ay James Swan is dhaafsadeen xaaladdaha amni ee Geeska Afrika iyo qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaalo ku marayay dalalka arrimaha Soomaaliya saameyn ku leh, sida kuwa Carabta, wuxuuna kala hadlayay arrimo quseeya Soomaaliya.

Kulankii ugu dambeeyay, wuxuu ergaygu kula kulmay Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan horumarka Soomaaliya iyo gobolka.

Waxaa kulankaas kasii horeeyay kulan uu la qaatay Ergeygu, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika ee boqortooyada Sacuudiga, Ahmed Bin Abdul Aziz Kattan, wuxuuna la yeeshay xog isdhaafsi ku saabsan isbedelada ka socda Soomaaliya iyo gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/6/2021 5:08 PM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yusuf Shaacir), ayaa sheegay in aanu aqbalin shaqo laga siiyay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

7/6/2021 4:59 PM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Markab laga leeyahay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Gibe, ayaa kuso xidhay dekeda Berbera.

7/6/2021 12:03 PM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Puntland ayaa saraakiil ciiddan u xirtay maxbuus ku xukunmaa dil toogasho ah oo baxsaday, sida uu sheegay afhayeenka ciiddanka asluubta Puntland, gaashaanle sare Cabdirisaaq Maxamuud Xarrago.

7/6/2021 11:57 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani Maxammed Faarax Cabdi, ayaa ku baaqay in baadhis lagu sameeyo arrinta ardayga lagu dilay Boorama.

7/6/2021 6:46 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay eedeesane loo haysto inuu dilay wiil yar oo shan jir ah oo ay hooyadiis u dhaxday, sida uu sheegay afhayeenka booliiska, G/lle Sidiiq Aadan.

7/6/2021 6:33 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa laashay 20 dacwadood oo ay usoo gudbiyeen musharixiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada.

7/6/2021 5:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland, kuwaas oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

7/6/2021 5:47 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deeganada Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi aay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

7/6/2021 5:37 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Waxa xabsiga loo taxabay askarigii toogtay Ibrahim Cabdishakur Ibrahim, oo aha arday engineering ka baranayay jaamacada Camuud ee Boorama.

7/6/2021 3:22 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiiinta ayaa bayaan ka soo saaray dhalinyarada Somaaliyeed ee da’yarta ah oo tababarka u jiray dalka Eritrea iyo dacwooyinka la xiriira ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia.

7/6/2021 3:03 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale.

7/6/2021 12:58 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si rasmi u shaaciyay doorashada kuraasta Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baledweyne iney ku xiran tahay inuu magaalada Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

7/6/2021 12:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Qaar kamida ardayda jaamacada Camuud ee Boorama, oo ka hadlay dilka loo gaystay mid kamid ah ardayda, ayaa sheegay in is afdhaaf uu sababay dilka.