4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Booliiska Somaliland oo wiil dhalinyaro ah ku toogtay magaalada Borama
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada ilaallada jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, ayaa wiil dhalinyaro ah oo arday ah toogtay.

Wiil ka oo u dhintay dhaawac soo gadhay ayaa dhiganayay kulliyada engineering ka ee jaamacada Camuud.

Ardayga ayaa dhintay kadib markii ay is afdhaafeen mid kamida askarta sida arday jaamacada wax ka barta HOL u sheegay.

Maydka ardayga ayaa loo qaaday isbitaalka wayn ee Boorama.

Ciidamada dambi-baadhista ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahayeen waxa sababay toogashada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]