4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Booliiska Koonfur Afrika oo helay maydka ganacsade Soomaaliya oo dalkaas lagu dilay
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Bootaan Saruurow, ayaa Meydkiisa laga helay meel aan ka fogeeyn Magaalada Brits ee Gobalka North West, ee dalka Koonfur Afrika sida ay Booliska gobalka xaqiijiyeen.

Marxuumka, ayaa saddexdii maalin ee ugu dambeysay lagu weysanaa nolol iyo geeri, Markii cidi ugu wardambaysay waxay aheyd  Khamiistii (1-7-2021) isagoo watay gaari uu alaabaha ku wareejin jiray abbaare 8:00pm Subaxnimo Magaalada Brits.

"Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan.... allaha u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey" ayuu yiri Cabdalla oo Adeer u ah Marxuum Cabdullahi Bootaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa maalmihii ugu dambeeyay baadi goobayey Muwaadinkan la waaysanaa kadib markii lagu wargeliyay maqnaanshihiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online