3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Shil baabuur oo Gabilay ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Shil baabur oo ka dhacay degmada Gabilay, ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhawaca 8 kale.

Shilka ayaa waxa sababay gaadhi Noah ah iyo gaadhi Land cruiser ah oo si xoowli ah ku dhex maray magaalada Gabilay.

Marxuumka shilka ku geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Khadar Daahir, ayaa rakaabka u kala qaadi jiray degmooyinka Arabsiyo iyo Gabilay.

Dadka shilka ku wax yeeloobay ayaa lagu dawaynayaa isbitaalka guud ee magaalada Gabilay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/4/2021 10:34 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Wasaarada deegaanka Somaliland, ayaa sheegtay in ay la wareegayso dhamaan xayawaanka duur-joogta ah ee shacabku haysto.

7/4/2021 9:45 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

7/4/2021 6:51 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidamada kumaandoonka dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta nawaaxiga magaalada Dhuusomareeb kusoo bandhigay maydad qaarkood madaxa laga jaray oo katirsan dagalamayaal katirsan Alshabaab.

7/4/2021 6:35 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka dambeysa dagaal ka dhacay magaalada Baledweyne iyo waxyaabaha keenay.

7/4/2021 5:29 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Yuusuf Cisman Cabdulle ( Yusuf Shaacir), oo ah abwaan reer Hargaysa ah, ayaa sheegay in uu ka aqbalay dowlada Soomaaliya, oo ku dartay guddida xeel dheerayaasha Afsomaliga.

7/4/2021 5:22 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyay xeer oggolaanaya in guddoomiyaha barlamaanka Puntland xasaanada looga qaadi karo 44 cod, iyagoo meesha ka saaray xeerkii hore oo sheegayay in 34 cod xilka looga qaadi karo.

7/4/2021 3:38 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Lixdan askari oo Mareykan ah oo ka qeyb qaatay dagaalkii sanadkii 1993 ciidamada Maraykanku ku galeen Muqdisho ayaa heli doona abaalmarino casri ah sanadkan gudihiisa.

7/4/2021 2:16 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in wasiir Dubbe anay waxba ka galin hablaha Borama.

7/4/2021 2:00 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne.

7/4/2021 1:07 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaasha golaha Kacdoonka Hiiraan ayaa waqti kooban u qabtay iney isaga baxaan gudaha magaalada xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo Baledweyne ku sugan.

7/4/2021 1:00 AM EST
Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Magaalada Makelle ee Caasimada gobolka Tigray waxaa lagu soo bandhigay kumanaan mabaaxiis oo ka tirsan ciidamada Militariga dowladda Itoobiya, kuwaas oo la sheegay in lagu qabtay dagaaladii u dhaxeeyay TPLF iyo Militariga dalka Itoobiya.