4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21-aad oo sheegay inay koonfurta Dhuusomareeb ku dileen 19 katirsan Al-shabaab


Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidamada kumaandoonka dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta nawaaxiga magaalada Dhuusomareeb kusoo bandhigay maydad qaarkood madaxa laga jaray oo katirsan dagalamayaal katirsan Alshabaab.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal saakay ka dhacay deegaano kuyaalla koonfurta Dhuusmareeb, halkaas oo la sheegay in ay ciidamadu kaga hortageen abaabul ay kooxda Shabaab katirsan ku doonayeen in ay weerar ku qaadaaan.

Saraakiisha waxay sheegeen in dagaal socday muddo labo saac ah lagu dilay 19 katirsan dagaaamayaasha kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu sheegay in ay doonayeen in ay miinooyin ku aasaan wadada Gurceel iyo Dhuusomareeb.

Waa khasaarihii ugu xoogganaa ee Alshabaab kasoo gaara howlgalada waayahaan dambe ka socda gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen in maydadka iyo dhaawaca Alshabaab meelo badan ay daad san yihiin islamarkaana inta harsan ay soo afjaridoonaan.

Hal askari iyo hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalka sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online