4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Abwaan reer Hargaysa ah oo sheegay in uu aqbalay xil Muqdisho looga magacaabay
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Yuusuf Cisman Cabdulle ( Yuusuf Shaacir), oo ah abwaan reer Hargaysa ah, ayaa sheegay in uu ka aqbalay dowlada Soomaaliya, oo ku dartay guddida xeel dheerayaasha Afsomaliga.

Abwaanka ayaa kadib markii la magacabay magiciisa aad loo wareejiyay baraha bulshada iyadoo dad badani shaki galiyeen in uu isaga yahay iyo in kale.

Yuusuf Shaacir oo MMTV waraysi siiyay, ayaa sheegay in loo magacaabay mid kamida xeel dheerayaasha Afsomaliga ee wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

"Waxay ii sheegeen in ay laba liis soo saareen oo kala ah 19 qof oo guddida rasmiga ah iyo 5 qof oo xeel dheerayaal ah oo aan ku jiro" ayuu yidhi.

"Waxay igu yidhaahdeen ma tihidin gudidi rasmiga ahayd laakin waxaad noo noqonaysan musdanbeed".

"Waxay igu yidhaahdeen xubin sharafeed ayaanu idinka dhignay waliba waxa suuragal ah in aydaan mushaar qadan" ayuu hadalkisa kudaray.

Yuusuf Shaacir ayaa sheegay in uu aqbalay xilka wasaarada waxbarashada Soomaaliya u magacowday.

"Awalba waanka shaqaynayay afka, imikana hadii ay i yidhaahdeen waar afkii ayaad ku jirtaye naga caawi dhib umaan arag" ayuu yidhi.

Abwaanka ayaa sheegay in shaqada uu qabanayaa anay siyaasad shaqo ku lahayn.

"Arrin siyaasi ahna uman arag oo dowlad maanaan wada xidhiidhin, hadii wax kale kasoo kordhaana waa laga wada socon" ayuu yidhi.

Magaca abwaanka oo kusoo baxay liiska wasaarada waxbarashada Soomaaliya u magacowday xeeldheerayaasha afka, ayaa baraha bulshada ku baahay iyado bulshadu siyaabo kala duwan uga fal celisay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]