4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Maraykanka oo abaalmarin siinaya askartii ka qeyb qaadatay dagaalka Muqdisho ay ku galeen sanadkii 1993
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Lixdan askari oo Mareykan ah oo ka qeyb qaatay dagaalkii sanadkii 1993 ciidamada Maraykanku ku galeen Muqdisho ayaa heli doona abaalmarino casri ah sanadkan gudihiisa.

Askartan ayaa lagu abaal marindoonaa, sida la sheegay dagaalkoodii geesinimada leh oo ay 28 sano ka hor ay ku galeen  waddooyinka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Saraakiisha Taliska Howlgalada Gaarka ah ee Ciidanka ayaa abaalmarin siin doona 58 Silver Stars iyo laba Flying Crossways oo kala duwan oo la siin doono askarta ka qeyb qaadatay dagaalkaas saacadaha badan qaatay.

Go'aanka kor loogu qaadayo billadaha ayaa daba socda dib u eegis lagu sameeyay abaalmarino uu dalbaday 2020 xoghayihii hore ee ciidamada Ryan McCarthy.

Dagaalkii Oktoobar 3, 1993, oo dhexmaray ciidamadii general Maxamed Faarax Ceydiid iyo ciidamada Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaaa ayaa laga sameeyay filinkii "Black Hawk Down" filinkaas oo adduunka aad caan uga noqday.

Guddiga bixinaya abaalmarintan waxay diideen inay sheegaan magacyada askarta abaalmarintooda dib loo casriyayndoono ama qeybihii ay ka soo shaqeeyeen.

Dagaalku wuxuu qarxay markii ciidamada gaarka ah ay damceen inay soo qabtaan general Maxamed Faraax Ceydiid, oo uu Maraykanka u haystay inuu mas'uul ka ahaa weeraradii Ciidamada nabad ilaalinta UN-ka ee ka shaqeynayay joojinta dagaalka sokeeye ee Soomaaliya.

Sideed iyo toban askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay dagaalkaas oo socday muddo 18-ka saacadood socday, waxaana askarta la dilay ku jiray seddex ka mid ah afartii duuliye ee diyaaradda Black Hawk ee la soo riday.

Isku soo wada duuboo, 73 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida laga soo xigtay Ciidanka.

Howlgalkaas ayaa raad dheer ku reebay siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka kadib markii telefishinka laga sii daayay sawirada askari Mareykan ah oo meydkiisa lagu jiiday wadooyinka Muqdisho iyadoo dadka deegaanka ay ku faraxsan yihiin.

Xoghayihii gaashaandhiga ee waqtigaas, Les Aspin, ayaa ku sigtay inuu iska casilo xilkiisa dagaalka ka dib. Ugu dambeyntiina, Madaxweynihii hore Bill Clinton ayaa ka saaray dhammaan ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya Maarso 1994.

Ciidamada Mareykanka kuma laaban Soomaaliya ilaa 2007.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online