4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo u jawaabay wasiir Dubbe
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in wasiir Dubbe anay waxba ka galin hablaha Borama.

Buuni oo wasiirka u jawabayay ayaa yidhi" hablaha reer Borama hadii la xidho iyo hadii la daayo midna waxba kama galin".

Buuni ayaa sheegay in warka wasiir Dubbe aanu waxba u dhimayn dadka Somaliland.

"Reer Somaliland way dhaafeen xiligii nin shaqotagay god madow uga gacan haadin jiray" ayuu yidhi.

Afhayeenka ayaa ku andacooday in ay haboontahay in wasiir Dubbe isla yaabo.

"Dowlada aan iskeed isku maamulin wasiir keeda warfaafintu haduu wayay cid la yaabta in uu isagu isla yaabo ayay ahayd" ayuu yidhi.

Buuni ayaa ku dooday in ay haboontahay in Dubbe u tacsiyeeyo waalidiinta caruurtodu kumaqanyihiin Eriteria.

"Dubbe ha u tacsiyeeyo waalidiinta Soomaaliyeed oo caruurtoodi haad ku cunay Eriteria" ayuu yidhi.

Jawaabta Buuni ayaa timid kadib markii wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dubbe sheegay in Degen Miiraash oo ku xidhan Borama ay mudantahay in la maamuso.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]