4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Golaha Kacdoonka Hiiraan oo ku hanjabay dagaal ka dhan ah Hirshabeelle
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaasha golaha Kacdoonka Hiiraan ayaa waqti kooban u qabtay iney isaga baxaan gudaha magaalada xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo Baledweyne ku sugan.

Saraakiisha sar sare ee golaha kacdoonka Hiiraan ayaa ugu hanjabay wasiirada Baledweyne gaaray hadii magaalada isaga bixi waayaan aay la kulmi doonaan waxaysan filanen.

Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa sheegay in waxii dhibaato ah ee ka dhaca Baledweyne masuuliyadeeda dusha saaran doonto dowladda Soomaaliya oo uu sheegay iney iska indha tireyso tabashada reer Hiiraan.

"Maalinba maalinta ka dambeysa waxay raadinayaan carqalado iyo isku dhacyo, lakiin intas waxaan xerineynay wanaag iyo sharaf, hadii dhinaca kale laga xeerin waayayna waxay noqoneysa in gacmaha la isla galo, hadii faraha la isla galana dhibka ka yimaado waxaa ka masuul ah dowladda Fedaraalka, iyadana meel walba ku bush gareyneysay Hirshabeelle, golaha Kacdoonka wanaag walba wuu sameyay balse waa la qaadan waayay markana waxay noqoneysa inaan xumaanta idinla qaadan doono" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Waxuu intaasi ku daray Jenaraal Abuukar Xuud in golaha Kacdoonka markan la gaaray xiligii uu qaadi lahaa talaaboyinka la xariira waajibaadkooda.

Gabagabadii wasiirada waqtiga kooban loo qabtay iney isaga baxaan Baledweyne ayaa shalay gaaray magaaladaasi, kuwaas oo la sheegay iney u yimaadeen shirka golaha wasiirada Hirshabeelle oo maanta oo Axad ah lagu wado inuu uga qabsoomo Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]