3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay qaraxii galabta lala beegsaday dhalinyaradii Ciyaartoyda ahaa
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen dhalinyaro Ciyaartooy ahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan argagixisada caadeysatay gumaadka hal doorka dalka, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah. Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed" ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa sido kale qaraxa galabta lagu dilay dhalinyarada Ciyaartoyda ah ka tacsiydeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay qaraxii galabta lala eegtay dhalinyarada Ciyaartoyda ahaa.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Gabagabadii xaalada Kismaayo ayaa caawa ah mid laga dareemayo jawi kacsanaan ah oo dadka ayaa wali ka murgeysan qaraxii galabta ka dhacay magaalada kismaayo, waxaana wararkii ugu dambeeyay caawa ay sheegayaan in magaalada lagu soo rogay Bandow.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/30/2021 4:25 PM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac (Khadar Guun) oo xildhibaan kamida xildhibaannada isbahaysiga mucaaradku sheegay in xukuumada Somaliland afduubtay, ayaa sheegay in anay jirin cid afduubtay.

7/30/2021 11:19 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhallinyaro ciyaartooy ah oo ku geeeiyooday Qarax ka dhacay Kismaayo oo lala eegtay gaari bas oo ay la socdeen.

7/30/2021 10:33 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa goor dhow magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari Bus ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda kubada cagta ee ka tirsanayd rugta ganacsiga Jubbaland ee JCCI.

7/30/2021 8:52 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxammed, oo ka jawaabay eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe usoo jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in sababta hadalkiisa keentay wakhtigan ay tahay in la furayo ururadii siyaasada oo uu madaxweynuhu saxeexay sidu uu sheegay.

7/30/2021 7:03 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Maxamuud Fanax oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Togdheer, isla markaana ka mid aha xildhibaannada isbahaysiga Mucaaradka ayaa ku biiray isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

7/30/2021 5:21 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu qorshaynayo, in uu xidho xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in uu ka bad baaday qorshe afduub ah, oo xukuumada Somaliland ugu maleegtay dalka Itoobiya, Buurmadow ayaa madaxweynaha uga digay in uu xidho xildhibaanka.

7/30/2021 5:17 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

7/30/2021 3:06 AM EST
Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo aad u qaraar oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.