4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo Codsi u diray madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

Guddiga ayaa madaxweyne Laftagareen ka codsaday inuu soo gudbiyo magacyada xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney diyaariyeen goobahii lagu qaban lahaa doorashada kuraasta Aqalka Sare, islamarkaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in si wanaagsan ugu qabsoonto doorashada.

Codsigan ay u gudbiyeen guddiga doorashada dowlad goboleedka Koofur Galbeed madaxweynaha maamulkaas ayaa imaanay xili doorashadii ugu horeysay ee kuraasta Aqalka Sare shalay ka qabsoontay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa isna dhankiisa ka codsaday madaxda maamulada kale ee dalka iney soo dadajiyaan sidii u qabsoomi laheyd doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]