4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Guddiyada doorashada dalka oo maanta loo soo gabagabeeyay tababar u socday
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay tababar muddo sadax cisho ah u socday guddiyada doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta soo xiray tababarkan oo uu horay u daahfuray Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiiru dowlaha xafiiska Raysal wasaare Rooble oo ka hadlayay kulanka lagu soo gabagabeynayay tababarka guddiyada doorashada ayaa kula dardaarmay guddiyada iney ka shaqeyaan doorasho daahfuran oo si cadaalad ah ku dhacda.

"Waxaan filayaa inaad aad uga doodeen daahfurnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada, qof waliba oo Soomaali ah maanta cidda uu soo eegyo oo uu rajo weyn ka qabo, doorashada qaranka min madaxweyne ilaa Xildhibaanada labada aqal dadka looga fadhito ee martida looga yahay waa dadkiina halkan fadhiya" ayuu yiri Cabdixakiin Xasan wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyadda ugu adag aay hortaalo guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo looga baahan yahay iney si cadaalad ah u qabtaan howlaha adag ee horyaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]