4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Global Initiative oo warbixin kasoo saartay Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leeyihiin hay'adaha dowladda
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Ururka caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan, oo loo gaabiyo Global Initiative, ayaa daabacay warbixin ku saabsan kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya iyo musuqmaasuqa ka dhex jira hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Warbixintan ayaa waxay baaritaan ku sameysay saameynta bey'adeed ee ka imaan karta boqolaalka doonyood ee reer Iiraan ee ka hawlgala xeebaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Warbixintu waxay sheegaysaa in kalluumeysato maxalli ah oo xiriir la leh Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, ay fududayso in milkiileyaasha maraakiibta Iiraaniyiinta, ay si joogto ah u helaan rukhsad iyo ilaalin maxalli ah oo hubaysan.

Warbixintu waxay sidoo kale soo qaadanaysaa shirkaddo fadhigoodu yahay Puntland, oo awood u leh inay si toos ah ula macaamilaan saraakiisha sarsare ee ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga federaalka oo uu ku jiro wasiirka laftiisa inay si isdaba joog ah u soo saarto dukumiintiyo aan caadi ahayn si loo fududeeyo badeecadaha badda ee loo dhoofiyo Shiinaha.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in hawlaha kalluumeysiga ee ajnabigu ku lug leeyahay ay si fudud u fududeeyaan wakiillada maxalliga ah ee Soomaalida, iyagoo inta badan la kaashanaya dawladda ama hay'adaha dawladda, kuwaas oo lacag ku bixiya ruqsadaha kalluumaysiga, diiwaan gelinta calanka iyo dukumiintiyada been abuurka ah ee wax lagu dhoofiyo.

Warbixintan ayaa kusoo beegantay, xilli dhawaan maamulka Puntland uu qabtay doonyo si sharci darro ah kalluumaysi uga waday xeebaha ku yaalla gobolka Bari. halkaas oo ah meelaha ugu badan ee maraakiibta  Iran, Yemen iyo Koonfurta Aasiya, ay si joogto ah uga sameeyaan dhaqamada kalluumeysiga ee sharci darrada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online