3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Xildhibaan Maydhane " Caddaalad darada Muuse ayaanu ka tagnay"
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.

Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay in madaxweynuhu uu caddaalad daro kula kacay xildhibaanada gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u sheegay in aanu waxba xildhibaanada gobolka Awdal  ka siinayn shirgudoonka wakiilada.

"Waxaanu ka tagnay caddaalad daradiisa, kadib markii shirgudoonkii beelo kale la siiyay, markaanu marlabaad ku noqonay ee aanu ku nidhi siday ku dhacday, xaqii gobolkaygu mee, umad baan matalaa, gobol baanu kasoo jeednaa, intaaso xubnood baanu nahay, jawaab nalama siin" ayuu yidhi.

"Madaxweyne Somaliland  ayaanu doonaynee haduu madaxweyne Isaaq noqday sidaasaanu kaga tagnay, taasaanu walalahayaga caddaalad doonka ahna ugu biirnay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tan iyo markii uu bilaabmay loolanka doorashada shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sidookale waxa bilaabmay in xildhibaanada xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku ay kala taageeraan xubnaha shirgudoonka ay u kala sharaxeen xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
7/24/2021 8:46 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada aqalka sare xilli ay maalinta berri ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qoran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

7/24/2021 8:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareska Mareykanka taasoo sheegtay in dowladda Mareykanka looga baahan iney macluumaad dheeraad ah ka bixiso duqeynta ay ka fulisay Soomaaliya.

7/24/2021 8:13 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Bandhigii 14aad ee Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, sanadkan waxa bandhiga marti ku ah dalka Itoobiya, halku dhaga sanadkuna waxa weeyaan "jaarnimo".

7/24/2021 3:17 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareska Maraykanka, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in ficil kasta oo militari uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dowladnimada Soomaaliya.

7/24/2021 3:01 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

7/24/2021 2:50 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa markale bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoo qaaday duqeyntiisii labaad afartii maalmood ee la soo dhaafay ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad ah markii uu xilka qabtay Madaxweyne Joe Biden.

7/24/2021 1:53 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka bayaan kasoo saaray talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

7/24/2021 1:44 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Kooxaha kubbada Cagta ee Horseed iyo Mogadishu City Club oo loo soo gaabiyo MCC ayaa ciyaari doono kulan dheeraad ah oo lagu kala reebaayo, kadib markii ay kaalinta koowaad kuwada dhammeysteen horyaalka Soomaaliya oo lagu waday in la soo gaba-gabeeyo 23-kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu soo dhaafnay.