3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Xildhibaan Ilhan Cumar oo su'aalo ka keentay duqeymihii Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareska Maraykanka, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in ficil kasta oo militari uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Ilhan, ayaa qoraal dheer oo ay soo saartay waxay ku codsatay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan duqeyntii cirka ee Mareykanku ka fuliyay toddobaadkii hore gudaha Soomaaliya.

"Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya," ayay Ilhan Cumar ku sheegtay warqad u qortay Aqalka Cad jimcihii shalay.

Ilhan Cumar waxay sheegtay toddobaadkan in ay aragtay warbixinno ku saabsan qoysaska rayid Soomaaliyeed oo lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo uu fuliyay Maamulkii Trump, kuwaas oo awoodi waayey inay la xiriiraan mas'uuliyiinta Mareykanka ama ay helaan magdhowgii uu Congress-ka u qoondeeyey .

Hadalka Ilhan Cumar ayaa kusoo beegmay kadib markii Pentagon-ka uu sheegay in duqeymihii shalay iyo midkii ka horeeyay lala bartilmaameedsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka ee Al-Shabaab.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/24/2021 12:06 PM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.

7/24/2021 8:46 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada aqalka sare xilli ay maalinta berri ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qoran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

7/24/2021 8:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareska Mareykanka taasoo sheegtay in dowladda Mareykanka looga baahan iney macluumaad dheeraad ah ka bixiso duqeynta ay ka fulisay Soomaaliya.

7/24/2021 8:13 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Bandhigii 14aad ee Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, sanadkan waxa bandhiga marti ku ah dalka Itoobiya, halku dhaga sanadkuna waxa weeyaan "jaarnimo".

7/24/2021 3:01 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

7/24/2021 2:50 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa markale bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoo qaaday duqeyntiisii labaad afartii maalmood ee la soo dhaafay ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad ah markii uu xilka qabtay Madaxweyne Joe Biden.

7/24/2021 1:53 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka bayaan kasoo saaray talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

7/24/2021 1:44 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Kooxaha kubbada Cagta ee Horseed iyo Mogadishu City Club oo loo soo gaabiyo MCC ayaa ciyaari doono kulan dheeraad ah oo lagu kala reebaayo, kadib markii ay kaalinta koowaad kuwada dhammeysteen horyaalka Soomaaliya oo lagu waday in la soo gaba-gabeeyo 23-kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu soo dhaafnay.