4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqayn maanta lagu garaacay saldhigyo Alshabab ku lahaayeen meel ku dhow Xarar dheere
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay la kulantay khasaare kale oo weyn, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah ay ku garaacday dagaalamayaal ku sugnaa inta u dhexeeysa Qaycad iyo Xarardheere ee gobolka Mudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka duqaynta lagu dilay dhowr dagaalyahanno, sidoo kalena lagu burburiyay hub.

Lama sheegin tirada dhimasho ah, inkastoo bayaanka lagu xusay in la qiimeeynayo waxyeelada weerarka.

Dowladdu ma sheegin cidda ka caawisay weerarka cirka ah, mana jirin wax xaqiijin ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ama AMISOM.

Horraantii toddobaadkan, Mareykanku ayaa qaaday duqeyntiisii ugu horreysay tan iyo markii maamulka Biden la wareegay talada dalkaas.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online