3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Diyaarad siday dad badan oo rikaab ahaa oo ku dhacday gobolka Gedo
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Diyaarad siday dad rikaab ah oo goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasoo la sheegay inuu muddooyinkii dambe ahaa midaan shaqeyneen.

Diyaraadan ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya waxaana leh shirkadda lagu magacaabo Skyward Express taasoo ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

45 ruux ayaa la sheegay iney saarnayeen diyaaradan, iyadoona ujeedkeedu ahaa iney ku degto degmada Elwak ee ismaamulka Mandhera sida ay warbaahinta u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Rikaabkii saarnaa diyaarada ayaa la xaqiijiyay in dhamaantood ay nabad qabaan, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in diyaaradan ku dhacdo garoonka, walow la sheegay inuu garoonka muddooyinkii dambe uu ahaa mid xirnaa, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in diyaarada ay cagaha u bixi waayeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo oo ku aadan diyaarada siday rikaabka ee maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Ceelwaaq.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/21/2021 2:00 PM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolka Gedo, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhaqan geliyo dhammaan qodobbada ay soo saareen Guddigu.

7/21/2021 11:49 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee ciiddanka booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan {Saadaq John}, ayaa kasoo muuqday jiiddaha dagaalka ciiddamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka kula jiraan kooxda Alshabaab.

7/21/2021 9:55 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Gabar 13 jir ah ayaa oo ku noolayd tuulada Jeerinle oo hoos tagta magaalada Gaalkacyo ayaa u geeriyootay dhiig bax kasoo gaaray markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah, sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada qoyskeeda.

7/21/2021 8:36 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed Puntland, ayaa maanta qalab ay kamid yihiin sanaadiiqda codbixinta kala wareegay xafiiska UNSOM ee Garowe.

7/21/2021 6:33 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Hal qof ayaa ku nafwaayay shan kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Xamaas oo ku taala jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera.

7/21/2021 5:31 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya Birhanu Jula oo la hadlaayay Wakaalada wararka ee dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu sugayo amarka madaxda ka sareeysa, si markale ciidamada dowladda dagaal ugu qaadaan gobolka Tigraay ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

7/21/2021 5:09 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Milatariga Mareykanka ayaa Talaadadii shalay qaaday duqeyn cirka ah oo ka dhan ah mintidiinta Alshabaab waana duqeyntii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Joe Biden la wareegay xafiiska bishii Janaayo.

7/21/2021 2:52 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Alshabab duqayn lagula beegsaday deegaanada Galmudug ee haatan ay ka socdaan dagaalada u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka oo dhinac ah iyo kooxda Alshabaab.

7/21/2021 2:04 AM EST
Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyd ayaa fariin cod ah oo uu soo duubay kaga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.