9/26/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay mukhaadaraadka oo Somaliland kuso badanaya
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo salaada Ciidal Odaxada shacabka kula tukaday Masjid Jaamaca Hargaysa, ayaa ka dayriyay mukhaadaraadka oo uu sheegay in uu Somaliland kuso badanayo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maandooriyayaasha kala duwani Somaliland aad ugu soo badanayaan isla markaana loobahanyahay in dagaal wada jira lagu qaado sidii loo joojin lahaa.

"Waxa inagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, hadii umad caqliga laga xumeeyana diintii, dalkii, duunyadi iyo aakhiradiba way xumaanayaan, waxa inagu soo batay wax la yidhaahdo mukhadaraad, oo khamri leh oo xashiishad leh, oo kiniin leh" ayuu yidhi.

"Inta Somaliland jecel iyo inta aakhiradooda jecelba waxan ku waaninayaa in la dagaalanka mukhaadaraadka la wada galo, wuu ka weyn yahay wax in gaarihi gasho" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa ka digay in hadii dagaal loo dhanyahay aan lala galin mukhaadaraadka kala duwan ee Somaliland sida qarsoodiga ah loosoo galiyo ay dhalinyarada iyo bulshaduba halaagsami doonto.

"Walaalayaal waa aafo laynagu soo daayay, hadaynaan kuyar iyo kuweyn, culimo  iyo caamo rayigaa intaan qaadano ka wada dagaalamin umadi iyo dayartii waxa lagu soo wada mahlako" ayuu yidhi.

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa mudooyinkii u danbeeyay marar kala duwan qabtay maandooriye khamri u badan oo Somaliland laga soo galiyay xaga Itoobiya, waxanu boolisku sheegay in maandooriyuhu Somaliland kuso badanayo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
















Click here
7/21/2021 12:47 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta dunida muslimka ah laga xusayo ciidda ciidul adxaha ayaa maanta waxaa si wayn looga ciiday magaalada Jigjiga ee Caasimadda degaanka Soomaalida.

7/20/2021 7:44 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, oo ka hadlayay dhacdadii ay qaar kamida dhalinyarada reer Awdal calanka Soomaaliya kula soo baxeen 26 Juun, ayaa sheegay in anay jirin sabab dhalinyarada Awdal ugu riyaaqaan midow Soomaaliyeed.

7/20/2021 4:30 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay u kordhisay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka muddo 18 bilood ah, laga bilaabo Sebtember 18, 2021, illaa Maarso 17, 2023.

7/20/2021 3:25 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maanta oo talaado ah oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidda Carafo si weyn looga Ciiday wadamo badan oo ka mid ah Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

7/20/2021 3:14 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciidda Carafo.

7/20/2021 2:42 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) Afartan sanno ka hor, maanta oo kale (Luuliyo 20, 1981), Soomaaliya waxaa ka dhacay shil dayaaradeed kii ugu xumaa ee taariikhda, kaas oo sababay dhimasho ilaa 50 qofood, sagaal ka mid ah dadkii geeriyoodayna ay isku qoys ahaayeen.

7/20/2021 2:17 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in wasiiradu ay faraha kala baxaan doorashada shirgudoonka wakiilada.