3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Soomaalida oo fariin hambalyo ah u diray Shacabka Soomaaliyeed
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciidda Carafo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale fariin hambalyo ah u diray shacabka Soomaaliyeed Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/21/2021 12:47 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta dunida muslimka ah laga xusayo ciidda ciidul adxaha ayaa maanta waxaa si wayn looga ciiday magaalada Jigjiga ee Caasimadda degaanka Soomaalida.

7/20/2021 7:44 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, oo ka hadlayay dhacdadii ay qaar kamida dhalinyarada reer Awdal calanka Soomaaliya kula soo baxeen 26 Juun, ayaa sheegay in anay jirin sabab dhalinyarada Awdal ugu riyaaqaan midow Soomaaliyeed.

7/20/2021 7:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo salaada Ciidal Odaxada shacabka kula tukaday Masjid Jaamaca Hargaysa, ayaa ka dayriyay mukhaadaraadka oo uu sheegay in uu Somaliland kuso badanayo.

7/20/2021 4:30 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay u kordhisay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka muddo 18 bilood ah, laga bilaabo Sebtember 18, 2021, illaa Maarso 17, 2023.

7/20/2021 3:25 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maanta oo talaado ah oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidda Carafo si weyn looga Ciiday wadamo badan oo ka mid ah Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

7/20/2021 2:42 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) Afartan sanno ka hor, maanta oo kale (Luuliyo 20, 1981), Soomaaliya waxaa ka dhacay shil dayaaradeed kii ugu xumaa ee taariikhda, kaas oo sababay dhimasho ilaa 50 qofood, sagaal ka mid ah dadkii geeriyoodayna ay isku qoys ahaayeen.

7/20/2021 2:17 AM EST
Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in wasiiradu ay faraha kala baxaan doorashada shirgudoonka wakiilada.