3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Komiishanka xuquuqal insaanka Somaliland oo war kasoo saaray hablo ku xidhan Gabilay
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Komishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa walaac kamujiyay xaalada 35 hablood, oo loo xidhay in ay calanka Soomaaliya qaateen.

Hablahan oo magaalada Borama laga soo xidhay 26 Juun, iyagoo sita calanka Soomaaliya, ayuu Komishanku sheegay in aan wali maxkamad lagayn, isla markaana qolalka xabsigu cidhiidhi ku yihiin.

Hoos ka akhriso warbixinta koomishanka oo dhamaystiran:-



Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
[email protected]












Click here
7/2/2021 11:38 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ah mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

7/2/2021 8:42 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Kulan aay maanta isugu yimaadeen guddiga hirgilinta doorashooyinka dalka ee heer Fedaraal ayaa waxay guddoomiye si kumeel gaar ah u doorteen Muuse Geelle Yuusuf.

7/2/2021 5:13 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

7/2/2021 3:33 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay go'aankii dhawaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

7/2/2021 2:30 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa sheegay ineysan marnaba u dulqaadan doonin shaqsiyaadka uu sheegay iney la shaqeeyaan ama taageeraan Ururka TPLF, ee ka dhex dagaalama gudaha dalka Itoobiya.

7/2/2021 1:37 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Howlgalo isbaaro qaadis ah oo aay si wadajir ah u sameyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga fuliyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo.