3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay go'aankii dhawaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan Al-casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaalida aay u muujiyeen doorka kaga aadana sidii horay loogu dhaqaaqi lahaa si doorasho dalka u aado.

Guddoomiye Caadil Bin Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta inuu garab ku siinaayo dowladda Soomaaliya xasiloonida iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dhamaan dalalka Carabta iyo Beesha Caalamka iney Soomaaliya ka taageeraan sidii looga miradhalin lahaa heshiisyadii aay wada gaareen madaxda Soomaalida oo ku saabsana qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/2/2021 11:38 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ah mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

7/2/2021 8:42 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Kulan aay maanta isugu yimaadeen guddiga hirgilinta doorashooyinka dalka ee heer Fedaraal ayaa waxay guddoomiye si kumeel gaar ah u doorteen Muuse Geelle Yuusuf.

7/2/2021 7:11 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Komishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa walaac kamujiyay xaalada 35 hablood, oo loo xidhay in ay calanka Soomaaliya qaateen.

7/2/2021 5:13 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

7/2/2021 2:30 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa sheegay ineysan marnaba u dulqaadan doonin shaqsiyaadka uu sheegay iney la shaqeeyaan ama taageeraan Ururka TPLF, ee ka dhex dagaalama gudaha dalka Itoobiya.

7/2/2021 1:37 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Howlgalo isbaaro qaadis ah oo aay si wadajir ah u sameyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga fuliyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo.