10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Maamulka gobolka Hiiraan oo soo saaray amaro xasaasi ah iyo Taliska Booliiska oo soo dhaweeyay
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro cusub oo ku saabsan dhinaca amniga magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa lagu faray shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne 5 qodob oo la xiriira xaqiijinta amniga mavaalada Baledweyne

Awaamiirta cusub ee kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ahaa inaan gudaha magaalada lagu dhex arki karin qof hub ku dhex wata, gaadiidka muraayadaha madow leh inaan la arki karin iyo baakinada gadiidka ee wadada dhinaceda iyo amaro kale.

Dhinaca kale Taliska Booliiska degmada Baledweyne ayaa isna soo saaray qoraal kale oo uu ku sheegayo iney soo dhaweynayaan awaamiirta kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso qoraalada oo faahfaahsan:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/19/2021 2:34 PM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Shirkaddaha diyaaaradaha ee Blue Sky iyo Halla Airline ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xanibaad maamulka Koonfur galbeed uu kusoo rogay duulimaadyadooda isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

7/19/2021 7:17 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga jawaab celiyay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

7/19/2021 7:08 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne cafis ugu fidiyay 279 maxbuus oo ah maxabiista danbiyada fudud galay farxada munaasibada Ciidal Odxada awgeed.

7/19/2021 5:38 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Waxa xabsiga dhexe ee magaalada Gabilay laga siidaayay 35 hablood oo magaalada Gabilay ugu xidhnaa in ay calanka Soomaaliya lasoo baxeen munaasibadii 26 Juun.

7/19/2021 3:30 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Kaban ee Waqooyiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen howlgalo qorsheysan oo lagu burburiyay Saldhig halkaasi ku lahayeen Al-shabaab.

7/19/2021 3:08 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Mustafe Muxamed Cagjar ayaa ka hadlay ujeedada uu maamulkiisa ciidamo ugu diray waqooyiga Itoobiya, halkaas oo uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah jabhadda Tigreega

7/19/2021 3:00 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Iyadoo maalinta berito ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciida Carafo ayaa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ay soo saartay amaro ku saabsan Xoolaha lagu qalo xaafadaha inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Ciida Carafo.

7/19/2021 2:04 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxumed Cagjar ayaa si rasmi ah u sagootiyay cutub ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Liyuu Boolis.

7/19/2021 1:14 AM EST
Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubahana golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qaabka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka.