4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo si adag uga jawaabay war kasoo baxay Midowga Musharaxiinta
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga jawaab celiyay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay iney been abuur tahay warka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee ahaa inaysan amaan aheyn magaalada Baledweyne.

"Waa wax laga xumaado oo laga naxo waxa kasoo yeeray nimanka sheeganaya Midowga Musharaxiinta waana gaf iyo meel ka dhac loogu gafay shacabka reer Baledweyne in la yiraahdo doorasho kama dhici karto Baledweyne" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Waxaa sidoo kale masuuliyiintii ka hadashay qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq iyo guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuuboow kuwaas oo sheegay in Baledweyne amaan tahay doorashadana ay ka dhici doonto.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuuboow ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay yihiin qaswadayaal meelaha taagan qaskii aay wadeena ay lasoo galeen Baledweyne.

Gabagabadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh isxaaq ayaa isna sheegay in hadalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta uu ahaa mid gaf ku ah shacabka reer Hiiraan.

"Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta waa mid gef ku ah shacabka reer Baledweyne waana iney raali galin ka bixiyaan Midowga Musharaxiinta" ayuu yiri Guddoomiye Siraaji.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]