4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ciidamo u diray gobolka Tigraayga


Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxumed Cagjar ayaa si rasmi ah u sagootiyay cutub ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Liyuu Boolis.

Ciidamada ayaa la sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Jabhada TPLF, waxaana la sheegay in la geyn doono jiida hore ee dagaalka ka socda gobolka Tigraayga.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa dhawaan si kulul uga hadlay dagaalada ka socda gobolka Tigraayga, islamarkaana sheegay inuu ciidamo u diraayo hadii dowlada dhexe kasoo dalbato.

Ciidamadan laga sagootiyay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee u ambabaxa ka qeybgalka dagaalka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhada TPLF muddo 8 bilood ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]