4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac cusub ka muujiyay hanaanka doorashada dalka
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubahana golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qaabka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka.

Golaha midowga Musharaxiinta ayaa baaq deg deg ah u diray madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxayna kulankooda kasoo saareen bayaan ay ku cadeynayaan caqabadaha ku hor gudboon habsami u socodka doorashada dalka.

Golaha midowga Musharaxiinta ayaa bayaankooda ku sheegay iney wali jirto faragilin uu madaxweyne Farmaajo ku haayo hanaanka doorashada.

Bayaanka kasoo baxay golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen jadwalka doorashada Aqalka Sare waqtiga ay dhaceyso.

Hoos ka akhriso bayaanka Golaha Midowga Musharaxiinta soo saareen.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]