4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas oo musharraxnimadiisa kaga dhawaaqay Ceel-Barde


Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) -  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa mar kale sheegay inuu u sharraxanyahay kursigaa ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib munaasabad ka dhacday hoygiisa degmada Ceel-Barde.

Munaasabadda oo ku billaabatay qado sharafeed ay ka soo qaybgaleed dhammaan bulshada degmada Ceel-Barde iyo deegaannada ku dhow, waxaa goobjoog u ahaa Ugaaska deegaanka Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, isimmada deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan Ceel Barde ayaa sheegay in muddadaa wadatashi la qaadanayay qeybaha bulshada ee degmada, sidoo kalana uu u kuurgalayay xaaladda deegaanka iyo bulshada.

“ Ceel-Barde oo ah magaaladii aan ku dhashay , waxaan maanta uga mahadcelin bulshada sida ay isugu soo baxaan munaasabadaanna uga soo qeybqaateen, halkan deegaanka waxaan dadaal galiyay in horumar la gaaro la helo goobo waxbarasho iyo caafimaad oo tayo leh , si loo amba qaado dadaallada waxaan idin ka codsanayaa inad igu taageertaan kursiga aan horey idin kugu matalayay.” ayuu yiri.

“Odayaasha iyo dhallinyarada halkan joogta waxay muujiyeen rabitaan annigana igu rajo galiyay haddii qof iyo cod la gaari lahaa ,halkan inan codadka badan ka heli lahaa, balse waxaan hadda oo dalka doorasho aadday idin ballanqaadayaa inan xoojin doono dadaalkeyga horumarinta deegaanka iyo bulshada, haddii mar kale aan kursigan idin ku matalo idinkuna ii doorataan.” ayuu ku daray.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada deegaanka ayaa si wadajir ah munaasabadda ka sheegay inay taageerayaashan Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas, iyagoo ugu duceeyay inuu mar kale rabbi xilkaa ku guuleeyo.

Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif,  ayaa gabagabadii sheegay inuu soo dhaweynayo dhammaan musharrixiinta u tartamaya kursiga Golaha Shacabka ee degmada CeelBarde, isagoo bulshada ku baraarujiyay sida ay muhiim u tahay cidda kursiga ku soo baxaysa inay tahay qofka ugu mudan ee isla xisaabtan ku imaanaya, wuxuuna nasiib wanaagsan u rajeeyay xildhibaanka kursiga ku fadhiya ee mar kale tartamaya.

Musharrax Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo ku tartamaya ‘ Sinnaan iyo Matalaad Dhab ah’, wuxuu horey usoo noqday Ra’iisul wasaare kuxigeen, wasiir ganacsi iyo hadda oo uu yahay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]