4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Guddigii dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo ku guulaystay in xal laga gaaro khilaafkii ka taagnaa Garbahaareey


Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddigii uu Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrimaha gobolka Gedo, si doorashada xubnaha labada aqal uga dhacdo Garbahaareey ayaa ku guulaystay in heshiis laga gaaro doorashada Garbahaareey.

Guddiga oo kulamo la qaatay bulshada gobolka Gedo, dhegaystayna talooyinkoodii, ayaa odayaasha dhaqanka kala wareegay magacyada dad ay soo jeediyeen in loo magacaabo maamulka degmada Garbahaareey.

Guddoomiyaha gobolka Gedo  Axmed Buule Maxamed ayaa sheegay, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii doorashada in ay soo dhoweynayaan guddiga doorashooyinka iyo cid kasta oo doorashada ka qeyb qaadanaysa, sida musharraxiinta iyo ergada.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo ah guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Gedo, ayaa uga mahad celiyay shacabka gobolka Gedo sida ay uga qeyb qaateen in is-afgarad buuxa laga gaaro arrimaha doorashada Gedo.

Guddiga ayaa tagi doona magaalada Kismaayo, waxayna madaxweynaha Jubbaland ku wareejin doonaan magacyada dadka reer Gedo u soo xusheen in loo magacaabo guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Garbahaareey, isagoo kadibna madaxweynuhu kusoo saaridoono wareegto magacaabis ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online