4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Somaliland oo xayiraadi ka qaaday diyaarada Air Arabia
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa xayiraadi ka qaaday diyaarada Air Arabia sida lagu baahiyay boga facebook ee SNLTV.

Air Arabia oo xukuumada Somaliland xayiraad saartay sanadkii 2020, ayaa xayiraadi laga qaaday.

Diyaaradan ayaa lagu waramayaa in xayiraadi laga qaaday kadib markii ay buuxisay shuruudo ay xukuumadu hordhigtay.

Air Arabia oo muddo sanad iyo dheeraad ah ka maqnayd madaarka Cigaal ee Hargaysa, ayaa la rajaynayaa in ay dib u bilowdo duulimaadyadeedi Hargaysa.

Xukuumada Somaliland ayaa sidookale maalmo kahor xayiraadi ka qaaday diyaarada Fly Dubai, oo Air Arabia isku wakhti xayiraada lawada saaray.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]