3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Adna Aadan" Soomaaliya waxay malaayiin dollar u qorshaysay burburka Somaliland"
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Adna Aadan Ismaciil, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland burburinayso.

Dr Adna Aadan ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay malaayiin dollar ku kharash garaynayso burburinta Somaliland.

"Markii awood doorasho ay ku samayso ay waday hadana waxay malaayiin dollar ay u qorshaysay burbur ka Somaliland" ayay tidhi.

Adna ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqday in deeqaha caalamku siiyo ay doorashada ku maal galiso.

"Calan yar oo inan yari qaatay Somaliland dumin kari maaye madficiiba dumin kari waaye, intaa aad meelaha kaso xadeen doorasho ku qabsada" ayay tidhi.

Adna ayaa ku andacootay in ay fiicantahay in Soomaaliya dowlad fiican dhisato intii ay Somaliland ku mashquuli lahayd.

"Lacagta idinku isku maamula oo maamulkiina hagaajiya oo baryadan caalamka ka baxa" ayay tidhi.

"Wakaa dadkiinii bilaa dowlada ahe dowlad ku dhista" ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalka Dr Adna ayaa u dhigan in dowlada Soomaaliya ay maal galiso dhalinyarada reer Somaliland ee qaata calanka Soomaaliya.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/16/2021 12:55 PM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay Shaacinta Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) 2020/2021.

7/16/2021 8:57 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay degmada Ceel-Barde oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Koonfurgalbeed, inay muhiimad ballaaran u leedahay Soomaaliya, halkaa oo uu ku suganyahay maalintii saddexaad.

7/16/2021 8:29 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - 4 qof ayaa ku nafwaayay qaar kalena way ku dhawacmeen shil baabuur oo ka dhacay agaagaarka degmada Dacar-budhuq, oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

7/16/2021 4:45 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

7/16/2021 4:32 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh 23 jir ah oo ka tirsanayd hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, horayna u ahayd agaasimaha xafiiska duqii Muqdisho Eng Yariisow, ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri kadib markii gurigeeda ay ka baxday muddo labo todobaad ka hor.

7/16/2021 2:24 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koontarool halkaasi ku yaala oo ku sugnayeen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay fashiliyeen weerar qarax oo Ismiidaamin ahaa.

7/16/2021 2:22 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cagjar ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxuu si qoto dheer kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada TPLF.