3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Barlamaanka Puntland oo isku khilaafay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiiladda
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

Xildhibaanno katirsan barlamaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha barlamaanka inuu doonayo inuu meel mariyo xeerar ka hor imaanaya dastuurka Puntland, sida qodobka tilmaaamaya xasaanada barlamaanka.

Wax bedelka xeer hoosaadka ayaa qoraya in guddoomiyaha barlamaanka uu xasaanada ku weyn karo 44 xildhibaan oo ah saddex meelood labo meel oo kamid tirada guud ee barlamaanka oo ah 66, halka uu awal hore ku wayn karay 34 xildhibaan codkooda.

Waxay kaloo xildhibaanadu ka hor yimaadeen qodob tilmaamaya in barlamaan kasta oo taga xildhibaanadiisu yeelan doonaan xuquuq iyo maamuus.

Maalintii shalay ayay ahayd markii barlamaanka loo qeybiyay wax bedelka lagu sameeyay heer hoosaadka barlamaanka Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in madaxtooyada Puntland ay dabada ka riixayso in barlamaanku diido wax ka bedelkaas.

Arrintaan ayaa kusoo aadaya xilli ay maalmo qura ka harsan tahay doorashada sanatarada aqalka sare oo ay barlamaanka Puntland doorandoonan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/13/2021 9:55 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

7/13/2021 9:48 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

7/13/2021 6:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

7/13/2021 2:31 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

7/13/2021 2:23 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

7/13/2021 1:57 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

7/13/2021 1:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.