4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Gabdhahii ugu badnaa oo ka tirsan Booliiska Haramcad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga


Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in gabdhahaan ay soo qaadan doonaan tababar heerkiisu sareeyo, si loo xoojiyo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

"Waxaan galabta garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay 49 gabdhood oo ka tirsan ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka Turkiga, si aay usoo qaataan tababar tayo leh oo heerkiisu sareeyo, si ay ugu biiraan dadaalada loigu jiro dhismaha iyo tayeynta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed" ayuu yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa qeyb ka aheyd sagootinta gabdhaha shalay u dhoofay tababar ay kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga, iyada oo kula dardaarantay iney ineey maanka ku hayaan iney yihiin koox qaran oo ka tirsan Haramcad.

“Hadaa ka kala imaateen qabiilo ama guryo kala duwan, maanta dhamaantiin waxaa tihiin koox ka wada tirsan Haramcad, qarankiina garab u noqda, gabdhaha Soomaaliyeed waxay la kulmaan dhibaatooyin badan, maanta waxay u baahan yihiin gabdho ciidan ah oo xuquuqdooda u difaaca” ayay tiri Zakiya Xuseen taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed.

Waa tiradii ugu badneyd ee gabdho Soomaaliyeed oo ka mid noqonaya Booliiska Soomaaliya oo tababar loogu qaado dalka Turkiga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]