4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika iyo rabshadaha oo sii kordhay
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.

Afar dbalinyaro ah oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku lahaa goobo ganacsi ayaa lagu dilay gudaha dalkaasi.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamud Qooje, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise Baadi, iyo Sarjaan Cali.

Dilalka iyo dhaca loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed dalka Koofur Afrika oo aan aheyn mid cusub ayaa hada u muuqanaya mid sii kordhaya maadama hal todobaad gudahiisa halkaasi lagu dilay ilaa 10 muwaadin oo Soomaali ah oo halkaasi u tagay iney ka shaqeystaan.

Rabshadaha dalkaasi ka socda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya oo ku faafaya gobolada dalkaasi Koofur Afrika.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]