3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Wararkii ugu dambeeyay rabshadaha ka socda Koofur Afrika iyo Boobka lagu haayo ganacsatada ajaaniibta ah
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Banaanbaxyo aad u xoogan oo rabshado wata ayaa ka bilaawday gobolada Gauteng iyo KwaZulu Natal ee dalkaasi Koofur Afrika.

Banaanbaxayaasha ayaa waxay boob bililiqo ah u geysteen goobo ganacsi oo ay leeyihiin ajaaniibta ku nool dalkaasi gaar ahaan labada gobol ee Gaunteng iyo KawaZulu Natal.

Banaanbaxyadaan ayaa waxaa dhigaya dad taageerayaal u ah madaxweynahii hore ee dalkaasi Jacob Zuma, kuwaas oo ka careysan xabsi lagu xukumay Zuma, waxaana Booliiska dalkaasi ay sheegeen iney xireen in ka badan 62 ruux oo ka mid ahaa dadka banaanbaxyada rabshadaha wata bilaabay.

Dibadbaxayaasha ayaa saakay xiray inta badan wadooyinka ugu waa weyn magaalada Pretoria gaar ahaan wadooyinka Tsamaya iyo Simon Vermooten oo ahaa wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Pretoria.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u xaqiijisay in taageerayaasha Zuma oo kumanaan gaaraya ay meel walba taagan yihiin kuwaas oo boob baahsan ku haaya goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka ajaaniibta ah.

Xaalada dalka Koofur Afrika ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa iyadoo banaanbaxyada iyo boobka lagu haayo ganacsiyada ajaaniibta uu sii kordhayo, xili Booliiska dalkaasi ay isku dayayaan iney xakameeyaan banaanbaxyada rabshadaha iyo bililiqada wata.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
7/12/2021 8:54 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaanada Aadan Qaasin Sulayman iyo Khadar Cali Xakiin, oo ka wada tirsan golaha wakiilada ee cusub ee Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo doorashada shirgudoonka wakiilada.

7/12/2021 8:08 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

7/12/2021 7:47 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro inuu ka dambeeyo khilaafka iyo kala jabka ku yimid guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

7/12/2021 2:15 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaiya ayaa Xalay howgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabadda iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

7/12/2021 2:06 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo lagu dilay meel ku dhow tuulada Saax-qurun oo kutaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

7/12/2021 1:45 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol Garas oo ka mid ah deenaanada hoos yimaada degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed.