4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Kooxda kubbada Cagta Qaranka Argentina oo 28 sano kadib ku guuleysatay COPA AMERICA
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Xulka qaranka Argentina ayaa ku guuleysatay koobka wadamada ku yaallo Koonfurta Ameerika ee loo yaqaano Copa America, 28 sano ah ka dib markii daqiiqadii 22-naad ee qeybtii hore ee ciyaarta, gool u dhaliyay Angel Di Maria uu siiyay natiijada 1-0 ah iney kaga badiyaan Xulka Brazil oo gurigooda lagu dheelaayay.

Ciyaarta oo aheyd mid adag, una dhaxeysay laba dal oo xifaaltan kubadda cagta ah uu u dhaxayso, ayaa waxay ka dhacday garoonka Maracana ee ku yaallo caasimada wadanka Brazil ee Rio de Janeiro oo sannadkaan marti galisay tartankaas.

Guushii Argentina ay gaartay waxay sidoo kale guul gaar ah u ahayd weeraryahanka kooxda Barcelona - Lionel Messi, kaasoo hantiyay koobkisii ugu horeeyay abid isagoo xiran funaanada buluuga iyo caddaanka ah ee qarankiisa Argentina oo muddo 16 sano ah uu u ciyaarayay.

Messi wuxuu sidoo kale ciyaartaas ay iskaga hor yimaadeen laacibka reer Brazil ee Neymar oo mar ay kooxda Barcelona u wada ciyaari jireen.

Tartanka Copa America ee sanadkaan oo markii hore qorshuhu uu ahaa in sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2020 uu ka dhaco dalalka Argentina iyo Colombia, ayaa xiriirka Kubadda Cagta Koonfurta Ameerika ee magacooda loo soo gaabiyo CONMEBOL waxay dib u dhigeen sannad kadib markii cudurka COVID-19 uu saameeyay dalalkaas.

Brazil ayaa nasiib ku heeshay iney marti galiso koobka sannadkaan kadib markii wadanka Colombia ay ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweynaha dalkaas Ivan Duque Marquez. Sidoo kalana Argentina uu ku faafay cudurka Covid-19.

Dhanka kale, Argentina ayaa guushaan waxay ka dhigeyso iney 15 mar ku guuleystay Copa America, waxayna gaartay wadanka Uruguay oo horay u hogaaminaayay, 15 marna ku guuleystay koobkaan.

Argentina xilligii ugu dambeyay ee ay ku guuleystay Copa America wuxuu ahaa sannadkii 1993-dii, wakhtigaasoo lagu qabtay wadanka Ecuador, sidoo kalana lagu casuumay inay ka qeyb galaan tartankaas labo wadan oo ka baxsan dalalka ku yaallo koonfurta America kuwaasoo kala ahaa, Mexico iyo Mareykanka. Ciyaartii ugu dambeysayna Argentina waxay 2-1 kaga badisay wadanka Mexico oo koobka ay xilligaas ka qaaday.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]