4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Madaafiic Caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada.

Hoobiyeyaasha oo tiro ahaan gaarayay ilaa 6 hoobiye ayaa la sheegay iney ku dhaceen qaarkood Isgoyska Ceelgaabta agagaarka Beerta Nabadda iyo SYL oo dhamaantood ku yaala afaafka Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama hubo khasaaraha ka dhashay tirada hoobiyeyaasha oo goordhaw laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Dhinaca kale waxaa goordhaw la xiray isku socodka wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Shaqaalaha iyo Isgoyska dabka halkaas oo la sheegay inuu yaalo gaari nooca raaxada ah oo looga shakiyay inuu sido waxyaabaha qaraxa.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa xiray wadadaasi kuwaas oo u diidaya gadiidka dadweynaha iyo waliba isku socodka caadiga ah.

Maanta barqadii ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, inkastoo uu ka badbaaday Taliyaha, waxaana qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa inta la xaqiijiyay ku geeriyootay ilaa 5 ruux sagaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]