4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Madaxweyne Farmaajo "Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda"
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay taariikhda halgankii dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen midnimada iyo gobanimada dalkeenna, iyadoo ay hoggaaminayeen dadaalkaas dhallinyaro naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen dowladnimo, mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

“Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku dadaalaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda. Isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxa ka soo qeyb galay, Ra'isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BFS Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaanno, Ra'iisul Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online