3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Borama: Haweenay la xidhay kadib markii ay isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro gubayay calanka Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Degen Miiraash oo isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro magaalada Borama ku gubayay calanka Soomaaliya.

Dhalinyarada ay Degen isku dheceen ayaa calanka Soomaaliya ku gubayay gudaha Borama.

Waxa jira dhalinyaro ilaa shalay baraha bulshada ku faafinayay calanka Somaliland oo ay la hayen calankayagu waakan.

Isla saakana koox dhalinyaro ah ayaa calanka buluuga ah ee Soomaaliya ku gubay gudaha Borama.

Degen ayaa marsii horaysay xabsiga loo taxaabay kadib markii ay calanka Soomaaliya ku sharaxatay gurigeeda, iyado mudo kadib lasoo daayay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan online
[email protected]














Click here
7/1/2021 1:51 PM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ilaalinta amniga kaga duwantahay dowlada Soomaaliya.

7/1/2021 10:49 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

7/1/2021 9:25 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah oo ugu macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.

7/1/2021 8:40 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland xornimadeeda wayday 1 July.

7/1/2021 6:54 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Mareeyaha hay'ada duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa sheegay in la fasaxay shirkada Fly Dubai.

7/1/2021 6:26 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna dhigay Taallada SYL.

7/1/2021 2:37 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay rag falal burcadnimo ah ka geysan jiray magaalada Muqdisho, kadib howlgalo burcad sifeyn ah ah oo aay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

7/1/2021 1:45 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Munaasabado heerkoodu aad u sareeyo oo lagu weyneynaayo xuska 1-da Luulyo oo ku asteysan 61-sano guuradii kasoo wareegatay markii gobolada Koofureed xornimada ka qaateen gumeystihii Talayaaniga sanadka markuu ahaa 1960-kii iyo israacii labada gobol ee Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

7/1/2021 1:23 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa hambalyo udiray qaar kamida dhalinyarada Borama iyo Laascaanood oo muuqaalo iska soo duubay iyago ku labisan calanka Somaliland.

7/1/2021 1:09 AM EST
Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi shalay galinkii dambe ay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab goob fagaare ah ku toogteen ilaa 8 ruux oo aay ku eedeeyeen basaasnimo.