4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Al-shabaab oo sideed ruux ku toogatay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Sh/hoose
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi shalay galinkii dambe ay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab goob fagaare ah ku toogteen ilaa 8 ruux oo aay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al-shabaab ayaa raga aay toogashada ku fuliyeen waxay sheegeen in lagu helay basaasnimo ah iney u basaasayeen Sirdoonka Mareykanka, gaar ahaan diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.

Waxay sidoo kale sheegeen Al-shabaab in raga maanta la dilay dhamaantood aay qirteen dambiyada lagu eedeyay ee ah basaasnimada waxaana lagu toogtay goob fagaare ah oo boqolaal dadweyne ah aay kasoo qeyb galeen.

Magacyada sideeda ruux ee shalay galinkii dambe lagu toogtay deegaanka Kuunya Baroow ayaa kala ah.

1- Calas Cali Cabdulle oo da'diisu aheyd 51 sano jir.

2- Cabdiwaaxid Cabdullaahi Diriye oo isna ahaa 25 sano jir.

3- Cabdiqaadir Maxamed Abow oo loo yaqiinay Cabdiqaadir Bambiiste.

4- Abuu Cabdinuur Fanaay, oo loo yaqiinay Abuu Weershe oo 35 sano jir ahaa.

5- Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow oo ahaa 36 sano jir.

6- Xasan Cabdulqaadir Cumar oo loo yaqiinay Xasan Baariyoow oo ahaa da'diisa aheyd 31 sano jir.

7- Abuukar Cabdi Cumar oo loo yaqiinay Abuukar Baseey oo dda'diisa aheyd 31 sano jir.

8- Jeylaani Mayow Sheekhuna oo isna da'diisa ahayd 41 sano jir.

Toogashada sideedan ruux ee maanta ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka dhigeysa tirada dadka aay toogasho ku dileen muddo 4 maalin gudaheed ah 24 ruux oo dhamaantood ku eedeyeen iney la shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]