3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay saxiixday wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay arrimaha Shidaalka ee aadka loo hadalyay toddobaadkaan, wuxuuna xaqiijiyay in aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan qodida Shidaalka Soomaaliya oo lala saxiixday shirkaddo ajanabi ah.

" Cid wax lala saxiixday ma jirto shirkaduhu waa imaan karaa waana yimaadaan,qaarbaa maalin dhawayd yimid wadahadalo la wada galay,wax hadda la saxiixayna ma jiraan. Waxaa la saxiixi markii annagu oggolano, dowladdu jaranjaro ayay leedahay markii sharci la samaynayo jaranjaradaas marka ay soo dhammaato ciddii wax saxiixaysay ayaa saxiixaysa". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay arrimaha deyn cafinta, isagoo tilmaamay in hannaanka Maaliyadda dowladda dib-u-habaynta badan iyo horumarka laga sameeyay dhawrkii sanno u la soo dhaafay.

Diiwaan gelinta shaqaalaha dowladdu ayuu sheegay in ahayd taallaabo horumar wayn laga sameeyay si loo saxo hannaan bixinta musharaaradka shaqaalaha rayidka iyo kharashaadka Hey'adda dowladda ee kala duwan.

Waxa uu sheegay sidoo kale wax soo saarka dakhliga gudaha inuu kordhay sanadihii u dambeeyay iyadoo Miisaaniyadda dowladda ee Baarlamaanka uu dhawaan ansixiyay ay gaartay 860 milyan oo doollar sanadkaan 2021.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya uu meel wanaagsan marayso, Deyntii Soomaaliya lagu lahaana bar laga cafiyay inta hartayna qorshuhu yahay in la cafiyo waqtiga lagu heshiiyay ee 2022-23 haddii dowladda Soomaaliya sharuudaha iyo heshiisyada Deyn cafinta ay ka soo baxdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/9/2021 2:35 PM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) -Sida ay shaaciyeen Warbaahinta afka dawladda ku hadasha waxaa gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsanaa TPLF oo uu ku jiro ninka lagu magacaabo Sebhat Nega.

1/9/2021 12:27 PM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Haramcad oo maanta la geeyay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/9/2021 11:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) -Diyaarad Rakaab ah oo ay la socdeen in ka badan 50 qof ayaa la waayey waxyar uun ka dib markii ay ka duushay caasimada Indonesia ee Jakarta.

1/9/2021 10:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Golaha midowga murrashixiinta Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaaamay go’aankii maanta kasoo baxay raysal wasaaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladdu bilaaabayso hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo weli uu jiro khilaaf siyaasadeed.

1/9/2021 6:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in aysan wax jawaab ah kasoo noqon Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii uu waday ee ahaa in la dhameeyo tabashooyinka ay ka qabaan doorashada.

1/9/2021 5:24 AM EST
Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ugu danbeyntii xukuumadu go'aansatay in la guda-galo doorashada, kaddib markii uu kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

1/9/2021 4:16 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Xiisado colaadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa lagasoo sheegayaa degaano katirsan gobolka sanaag halkaas oo ay Somaliland doonayso in ay ka sameyso diiwaan galinta codbixiyaasha doorashooyinka golayaasha barlamaanka iyo deegaanka ee kusoo wajahan Somaliland.

1/9/2021 1:22 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne kaso dagay laba diyaarad oo siday ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

1/9/2021 1:09 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa codsatay 1.23 milyan oo doolar si ay u sii waddo waxqabadyada lagu caawinayo Soomaaliya si looga gudbo cawaaqib xumada ka dhalatay duufaantii Gati ee ku dhufatay maamul goboleedka Puntland bishii Nofeembar iyo sidoo kale ka hortagga cudurrada ka dhasha biyaha.

1/9/2021 1:03 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - howlgal qorsheysan oo ay gobolka Sabeellaha Hoose ka fuliyeen ciidanka DANAB ee dowladda Soomaaliya ayeey ku sheegeen in ay ku burburiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

1/9/2021 12:11 AM EST
Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa mar ku celiyay in xa laga gaaro arrimaha gobolka Gedo oo sida uu hadalka u dhiggay ah caqabada ugu weyn ee hortaagan qabsoomida doorashada.

1/9/2021 12:09 AM EST
Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) - Warar ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay uu ku daggay Ayax raxan raxan u socda beeraha degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

1/9/2021 12:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Shirkadda Twitter ka ayaa hawadda ka saartay gabi ahanba hoggii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaddib markii la ogdaaday in loo adeegsado erayo kicin ah ama aan u wanaagsaneyn amniga dalka.

1/9/2021 12:03 AM EST
Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) -Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo xasaasi ah ku lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaa oo ka wadahadlay khilaafka Doorashada,