4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
"Halkan waa nalooga yaqaan horgal, halkaan waa nalooga yaqaan is xambaar" Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland


Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Cadde ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xili ay soo dhowaatey waqtigii diiwaan gelinta codaynta Doorashada.

Gudoomiyaha oo si weyn loogu soo dhoweeyey ayaa sheegay in ay u socdaan sidii ay diiwaan gelinta uga qayb geli lahaayeen, iyadoo ay weheliyeen masuuliyiin kala duwan oo degaankan ka soo jeeda.

"Waxaan idiin sheegayaa halkan waxaa nalagu sheegaa horgal dad kale u sheqeeya, halkaana waxaa nalooga yaqaan is xanbaar aan cidna dooran" waxaanu intaas ku daray in isagu uu mudo dheer ku soo joogey ciil, in dadku is diiwaan geliyaan si kuwa danbe ay u noqdaan dad dad leh oo la doortay.

Iyadoo ay maalmo kooban ka hadhey diiwaangelinta ayaa waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhaya madax badan si ay dadka ugu dhiiri geliyaan in ay isdiiwaan geliyaan.

Guud ahaan gobolka Sool ayaan dadku aanay diiwaan gashanayn xiliyadii hore, waxaana lagu qiyaasaa dadka haysta kaadhka 5% taas oo sababtay in xildhibaanada golayaashu aanay gelin doorasho oo qaab maxlal ah ay kaga mid noqdaan.

Sida haatan la aamisan yahay sanadkan waxaa si aad ah laysaga diiwaan gelinayaa degmada Laascaanood oo dadaal badan loogu jiro, waxaana dadku si aad ah isha ugu hayaan golaha degaanka oo hadal hayntiisu badan tahay.

Degmooyinka Xudun iyo Taleex ayaan iyaga si aad ah aan looga hadal hayn maadaama aanay lahayn gole degaan oo shaqeeya.

Seynab Cabdi Warsame, HiiraanOnline
[email protected]