3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Dowladda oo furtay waddo muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka qaaday saanbaagyada carrada laga buuxiyo oo ay isticmaalaan ciidamada AMISOM xarunta CID ee KM4 oo ciriiri badan ay ku qabeen gaadiidka dadweynaha.

Afhayeenka ciidankada Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in markii horeba loo xiray xarunta sababo la xiriira Amniga xiligganna go'aansadeen laamaha nabadgalyada in ay dib u furaan waddadan kaddib markii sida uu hadalka u dhigay lagu kalsoonaaday nabad-galyada xarunta.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladdu sidoo kale ku howlan tahay in dhawaan ay dib u furto jidad muhiim ah oo muddo dheer u xirnaa sababo nabadgalyo.

Horay Dowladdu waxey u furtay waddada dheer ee hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyayba xirneyd.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
 

















Click here
1/12/2021 4:13 PM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo, sida lagu sheegay wareegto caawa kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

1/12/2021 2:24 PM EST
Talaado, Janaayo, 12. 2021 (HOL)- Qoraal dheer oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa looga hadlay walaaca guud oo ay ka qabaan Ismari-waaga wali ka taaggan geedi socodka doorashada Soomaaliya

1/12/2021 1:34 PM EST
Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Goob ku taal koonfurta magaalada Laascaanood ayaa caawa fiidkii qarax ka dhacay kaas oo la sheegay in uu ahaa bam gacmeed.

1/12/2021 11:39 AM EST
Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in aan lala socodsiin go'aanka Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu ku kala diray maamulkii Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

1/12/2021 7:58 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbiyay qoraal ay walaac ay kaga muujinayaan cawaaqib xumo ay sheegeen in ay ka dhalan karto habka ay dowladda federalka ku wado nidaamka doorashooyinka dalka.

1/12/2021 4:58 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamo hubeysan oo muqaalkooda lagu baahiyay baraha Bulshada kuwaas oo la sheegayay in loo diyaariyay ka hortaga doorasho aan wada ogol aheyn oo ka dhacda Dalka.

1/12/2021 4:38 AM EST
Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isaga oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC da sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho hal dhinac ah.

1/12/2021 3:53 AM EST
Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kaddib kulan uu uga qeybgalay magaalada Muqdisho.

1/12/2021 2:43 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 kamid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo ISIS.

1/12/2021 2:40 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda xilli walaac laga muujinayo suurtagalnimada in la helo doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo xor iyo xalaal ah dabayaaqada toddobaadkan.

1/12/2021 1:04 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga soo horjeestay doorashada xildhibaannada Soomaaliland ku matala dowladda dhexe oo lagu waddo in doorashadoodu ku dhacdo gobolka Banaadir.

1/12/2021 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 12 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay deegaanka lagu magacaabo Husungoow.