4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

 

Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kaddib kulan uu uga qeybgalay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa madaxda Sadex Dowlad Gobolleed oo la qaatay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble go'aankii ahaa la bilaabo doorashada Aqalka Sare.

Hasse ahaatee kulan markii danbe madaxda saddexdan dowlad gobolleed ay la qaateen xubnaha Midowga Musharixiinta ayuu madaxweynaha Koonfur Galbeed qaatay doorka dhax-dhaxaadinta dowladda iyo dhinacyada kale ee dhaliilsan hannaanka lagu waddo doorashada.

Dib ugu laabashadiisan Baydhabo ayeey dad badan ku micneeyeen in ay qeyb ka tahay fulinta balantii ay wadagaleen xukuumadda ee ah in la bilaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Horay Baydhabo waxaa uu sii joogay qaar ka mid ah guddiga doorashada oo tababar ku soo qaatay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]