3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Itoobiya oo sheegtay in ay qabatay saraakiil sar sare oo ka tirsan TPLF

 

Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya tan iyo markii ay soo afjartay dagaalkii gobolka Waqooyiga ay kula gashay xoogagga Tigrayga, waxaa ay ku raad joogta sidii ay gacanta ugu soo dhiggi laheyd saraakiisha sar sare ee TPLF ee ku lugta lahaa qalalaasaha.

Madaxa howlgelinta Ciidanka Itoobiya Brig. General Tesfaye Aylwe  ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay xubno dhowr ah oo muhiim u ahaa TPLF, waxaana ka mid ah dadka la qabtay  Madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guulweyn ka gaartay soo afjarida dagaalkan wixii hadda ka danbeeyana uu sii socon doono howlgalka lagu qabqabanayo saraakiishii xudunta u ahaa.

Dadka ay dowladda Itoobiya sheegtay in gacanta lagu dhiggay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Getachew Tafara oo ahaa madaxii xafiiska madaxweynaha ee Amniga deegaannada Tigrayga.

Magaalada Mekella ee xarunta u ah gobolkan ayeey dhawaan ciidamadu la wareegeen hasse ahaatee waxaa jira halkaa xaalado iyo daruufo dhinaca nolasha ah oo soo food saaray dadka rayidka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   















Click here
1/11/2021 3:11 PM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL)- Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ee DDS laga dareemayay sare u kac qiimaha maciishada daruuriga ah, taas oo dadka degaanku aad uga walaaceen.

1/11/2021 10:14 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya islamarkaana ah musharax u taaggan xilka madaxweyaha Soomaaliya Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa dowladda ku eedeeyay caburin aan loo meeldayin oo shacabka iyo mucaaradkaba ay kula kaceyso.

1/11/2021 8:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta xabsi kuyaala Garowe u dhaadhicisay weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan Faarax oo muddo 15 cishe ah gacanta ugu jiray hay’addaha nabad sugida Puntland.

1/11/2021 7:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Ilaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay fiidnimadii Axadda weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

1/11/2021 6:11 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaaf siyaasadeed ee ka taagan arrimaha muragaysan ee doorashada Soomaliya, kadib markii ay Garowe kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

1/11/2021 5:34 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey James Swan,

1/11/2021 2:47 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Saraakiisha Amniga magaalada Woqooyiga Itoobiya ku taal ee Mekelle ayaa walaac ka muujiyay amni darada ka jirta magaalada iyadoo mid ka mid ah saraakiishan uu sheegay in dumar lagu kufsaday toddobaadkan magaalada. xili magaalada ay ku jirto gacanta ciidanka federaalka Itoobiya.

1/11/2021 12:58 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyo xubnaha midowga Musharixiinta oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga doodday go'aankii ay dhawaan xukuumaddu qaadatay ee ahaa qabashada doorasho aan loo dhameyn.