3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Guddoomiyaha aqalka sare oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Qoorqoor
 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ahaa in dadka tabashada ka qaba hannaanka doorashada uu kusoo celiyey jawaab tanaasul ku jiro oo ka timid madaxda dowladda federalka.
 
“Wixii ka horreeyay hadalkii raysal wasaaraha ee shalay, shacabka Soomaaliyeed waxay rajo ka qabeen in lagu guulaysandoono talooyinkii iyo niyad wanaagii lagasoo jeediyay shirkii magaalada Garowe islamarkaana madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu aqbalidoonaan ergada loosoo diray, kadibna la iskugu yimaado shir lagu xallinayo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.
 
Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu diideen in la wada hadlo ayna qaataan go’aano sii kala qeybinaya dalka, laguna qabanayo doorasho aan heshiis lagu ahayn.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/10/2021 10:13 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Guddi qiimayn iyo talo-bixin kasoo diyaariya qiimo dhaca iyo diidmada lacagta shilinka soomaliga ah.

1/10/2021 9:42 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka diggay in dalkani ka dhacdo doorasho hal dhinac ah.

1/10/2021 7:41 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.

1/10/2021 7:04 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sool ayaa saaka laga bilaabay diiwaan gelinta codbixitayaasha doorashada Somaliland.

1/10/2021 3:40 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.

1/10/2021 3:31 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Sida laga soo xigtay dadka deegaanka saacadihii ugu danbeeyay dagaal dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

1/10/2021 3:04 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan millatariga Kenya ayaa la dilay tiro kalane waa la dhaawacay kadib markii gawaaridooda lala eegtay qarax meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

1/10/2021 1:03 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Kiiskaska cudurka Covid 19 ee qaarradda Africa ayaa u muuqda mid sare u sii kacaya iyadoo ilaa iyo hadda Tirada la xaqiijiyay ee COVID-19 ee qaaradda Afrika ayaa gaarayaan 2,986,564 ilaa galabnimadii Sabtida sida laga xigta xarunta Afrika ee xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa sidaas sheegtay.

1/10/2021 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Iyadoo dhawaantan Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu magacaabay guddi ku -meel-gaar ah oo sii waddi doona howlihii rugta Ganacisga iyo Warshadaha ayaa qoraal ka soo baxay guddigan KMG ee la magacaabay waxaa ay ku sheegeen in ay bilaabi doonaan howlaha loo idmaday.

1/10/2021 12:29 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Dagaal hor leh oo dhex marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen toddoba qof.

1/10/2021 12:12 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud kana mid ah midowga musharixiinta dalka ayaa ayaa si adag uga jawaabay tallaabadii ay xukuumaddu ku go'aansatay in doorashada la qabanayo iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo.