4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Diyaarado duqeyn ka geystay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL)  - Sida laga soo xigtay dadka deegaanka saacadihii ugu danbeeyay dagaal dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa lagu bartilmaameesaday deegaanka lagu magacaabo Raaso-Ugaas iyo tuulooyin hoosyimaada oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa la maqlay dhawaqa madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha oo gaarayay ilaa 7 gantaal, ilaa iyo haddana lama oga khasaraha ka dhashay duqeymahan oo argagax ku abuuray dadka deegaannada la bartilmaameesaday.

Duqeymaha diyaaradaha dagaalku ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi, hasse ahaatee waxaa duqeymahaasi la sheegaan in yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo xoogagga ururka Al-shabaab

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]