4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo dowladda federalka ugu baaqay in ay ilaaliso xuquuqda isu imaatinada nabadda ah
 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

Antonio Gutters ayaa ku booriyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.

Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in sibuuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka.

Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli musharrixiinta madaxweynaha ay maanta ku dhawaaqeen mudaharaad kale oo dhicidoona maalinta jimcaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]